Friday, May 3, 2024

Aqalka Cad oo si la yaab leh uga hadlay xiisadda Khaliijka ku tilmaamay arrin u dhaxeysa Qoys

Dowladda Maraykanka ayaa ku tilmaamtay xiisadda sii socota ee u dhexeysa dalka Qadar iyo waddamo kale oo Carab ah, in ay tahay mid salka ku haysa “arimo qoys”.

Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka looga arimiyo, Sean Spicer, ayaa hadalkan sheegay mar uu la hadlayay weriyayaal ku sugnaa Washington.

“Waxaan rumaysannahay in khilaafkan uu u dhexeeyo qoys, afarta dal ee is-hayana waxaa looga baahan yahay in ay gaaraan xal dhexdooda ah,” ayuu yiri Spicer oo intaa raaciyay, “haddii ay gacan nooga baahan yihiin diyaar ayaan u nahay, balse waa in ay xalka gaaraan.”

Ad

Qadar ayaa waxaa go’doomiyay xulafo uu horkacayo Sacuudiga, waxaana loo soo bandhigay 13 dalab oo ay tahay in ay fuliso xukuumadda Dooxa, si looga qaado cunaqabateynta.

Waxaa shuruudahaasi ka mid ah in Qadar ay xirto warbaahinta Al Jazeera, ayna xiriirka u jarto Iran.

- Advertisement -

Dalalka uu u dhexeeyo khilaafkan ayaa dhammaantood xiriir dhaw la leh Maraykanka, xoghayaha arimaha dibedda ee dalkaasina weli kama uusan hadlin shuruudaha lagu xiray Qadar.

Wasiirka arimaha dibedda ee Qadar, Sheekh Maxamed bin Cabdulraxman Al Thani, ayaa xaqiijiyay in uu soo gaaray liiska dalabaadka, ayna diyaarinayaan jawaabta ku haboon.

Warar Xul ah
SourceBBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON