Wednesday, May 1, 2024

Amiirka Alshabaab oo lagu arkay Shirkii Qarsoodiga ahaa ee Jihaadka Bariga Afrika

Warbaahinta Alshabaab ayaa shaacisay in lasoo gabagabeeyay shirweynihii labaad ee wadatashiga Jihaadka ka socda Bariga Afrika oo kooxdaasi ay qabanqaabisay, balse aan la sheegin goobta lagu qabtay.

Shirkan oo ay ka qeybaleen 100 qof oo ay ka mid yihiin madaxda, culimada iyo odayaasha Alshabaab ayaa la sheegay inuu ka qeyb galay Amiirka Alshabaab Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda, kaasoo sawirkiisa la qariyay, isago dhex fadhiyay shirka.

Alshabaab ayaa sheegtay in shirkan uu socday muddo 8 maalmood ah, waxaana la baahiyey laba bayaan oo laga soo saaray oo midkood uu ahaa War-murtiyeedka Shirka iyo Fatwo Alshabaan ugu jawaabeyso shirkii Culimada Soomaaliyeed ee Muqdisho ka dhacay.

Ad

Shirweynaha Alshabaab oo la sheegay inuu ka dhacay degaan ka mida Jubbada Dhexe, waxaa ka dhex muuqday dhammaan culimada Alshabaab ka tirsan, waxaana qofka kaliya ee wejigiisa la qariyay uu ahaa Amiirka Alshabaab oo muddooyinkii ugu danbeeyay warar la faafiyey ay sheegeen inuu xanuunsanayo.

Wax badan lagama yaqaan Amiirka Alshabaab, marka laga reebo beesha uu kasoo jeedo, sidoo kale lagama hayo muuqaallo rasmi ah oo lagu aqoonsan karo, waxaana dib u dhac sirdoon loo arkaa in Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ay ogaan weydo dhicitaanka shirka intaas la eg ee Alshabaab ku qabsatay Gudaha Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON