Monday, February 10, 2025

Maxay yihiin Ciidamada cusub (Special force) ee Imaaraadku u soo tababaray Somaliya..?

Waxaa dhowaan dalka Uganda tababar loogu soo xiray ciidamo cusub oo ka mida kumanaanka askari oo dowladda Imaaraadka Carabta aya taageereyso.

Ciidamadan ayuu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur oo tababarka u soo xiray inay yihiin urur gaar ah (Special Force) oo ka tirsan ciidamada Xoogga Dalka, isla markaana la siiyay tababar dheeraad ah oo heerkiisu aad u sareeyo.

Ciidamadan ayaa ka mida ilaa 12,000 askari Dowladda Imaaraadka Carabta ay kharashkooda iyo hubkooda bixineyso, loona tababarrayo Dowladda Soomaaliya, iyadoo tababrkooda uu ka dhacayo dalalka Uganda, Masar, Itoobiya iyo Ertirea.

Ad

Qeybtii koowaad ee ciidamadaasi oo tababarka loogu soo xiray dalka Uganda waxaa laga howlgeliyay caasimadda Muqdisho, iyadoo lagu wareejiyay bartamihii Bishii Ramadaan, waxaana lagu bogaadiyay sida ay u xoojiyeen Amniga.

Ciidamada cusub ee dalka Uganda tababarka loogu xiray ayaa lagu sheegay inay yihiin ciidamo aan la mid ahayn kuwii hore ee caasimadda ka howlgalay oo lagu sheegay Booliska Milateriga ah, balse ciidamadan ay ka howlgeli doonaan Gobollada ka baxsan caasimadda iyagoo ku biiri doona dagaalka Alshabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa si weyn ugu mahadceliyay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) oo uu sheegay inuu yahay dalkii ugu horeeyay ee Soomaaliya u tababara mar qura ciidamo aad u tiro badan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON