Tuesday, February 18, 2025

Akhriso: 3-da Qodob ee sababay inuu xilka is casilo Safiirkii Somaliya ee Dalka Sacuudiga

Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Sacuudiga Danjir Saalim Macow Xaaji ayaa iska casilay xilka, kadib markii uu sheegay inay si xun ula dhaqmeen xubno ku dhow Madaxweynaha Soomaaliya.

Qoraalka is-casilaadda oo soo baxay xalay 22-ka May 2023 ayaa u dhaqan galay si degdega, wuxuuna Safiir Saalim Macow ku faahfaahiyay arrimaha sababay inuu xilkii Safiirnimo ee dalka Sacuudiga ka tago, waxaana sababahaasi ka mida:

1. In laga reebey ka qeybgalka shirka 32aad Jaamacada Carabta oo lagu qabtey magaalada Jeddah maalinta 19ka May, 2023. Arintan waxey baalmar ku tahay curfiga diplomaasiyada caalamka oo ah in Safiirka dalka martida loo yahay inuu ka mid noqdo shirarka lagu qabanaayo dalkaasi ee uu madaxweynaha ka qeyb galaayo.

Ad

2. In madaxa protokoolka Madaxweyna Hinda Culosow iila dhaqantey si akhlaaq xumo ah. iina geysatey aflagaado. Arintaasi oo aan la socodsiiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda oo asagana ka gaabsadey inuu arintaasi faragelin ku sameeyo.

3. In laga ilaalinaayey inaan si gaar ah u arko madaxweynaha oo mar kastaba leyga hor istaagaayey inaan u galo meesha ay wafdiga intooda kalena si toos ah loogu fasaxey.

Wuxuu Danjire Saalmid Macow Xaaji qoraalkiisa kusoo gababageeyay: “Hadaba anigoo ilaalinaayo sharafteyda iyo karaamadey, iyo anigoo tixgelinaayo sharafta dowladnimada iyo dibloomaasiyada waxaan go’aan ku gaarey inaan iska casilo xilka danjiraha dalka Sacuudiga laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay May 22, 2023. Waxaana xilka ku wareejin doonaa ku xigeenka danjiraha Mudane Abshir Warsame Diirshe inta laga magacaabaayo qof kale.”

- Advertisement -

Is-casilaadda Safiirka ayaa muujineysa hab dhaqanka gacan-yareyaasha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo faragelinta xubnaha ku xeeran Madaxtooyada Soomaaliya ku hayaan madaxda kale, siiba diblomaasiyiinta Soomaalida.

Safiir Saalim Macow ayaa waxaa magacaabay Madaxweyne Maxamed C/llaah Farmaajo, wuxuuna xilka la wareegay bishii Ogost sanadkii 2021, markii dowladda Sacuudiga ay diiday inay aqbasho safiirkii loo magacaabay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON