Thursday, May 2, 2024

Alshabaab oo lagula dagaalamayo Gudaha Degaanka Soomaalida Itoobiya iyo ONLF War kasoo saartay

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa maalintii saddexaad dagaal ka wada Gudaha degaanka Soomaalida Itoobiya, kadib markii ay ka gudbeen Gobolka Bakool oo ay weerar ku qaadeen degaanada Caato iyo Yeed.

Dagaalka Alshabaab ayaa ka socda deganka Af-cadde ee degmada Harargeele, waxaana dagaalkii ugu danbeeyay uu ka dhacay degaanka HulHul, waxaana Mas’uuliyiin Dowlad Degaanka Soomaalida ay sheegeen in ciidamada Liyuu Booliska ay dagaal adag kula jiraan Dagaalyahanada Alshabaab oo hareereeyeenn Alshabaabkii soo galay Afdheer.

Dagaalka ugu culus ayaa ka dhacay tuulada Hulhul ee gobolka Afdheer waxayna sheegteen DSI in 16 Gaari oo ay wateen Alshaaab qaarna la gubay, qaarna laga qabtay, lagana laayey in ka badan 100 maleeshiyo oo Alshabaab ka tirsan, qaar kalena la qabtay.

Ad

“Gacanta ayaa lagu lahayaa qaybo kamida inta kalena waa lagu xeeran yahay dagaalkuna wuu socdaa meel ay u baxsan karaana ma jirto” ayuu yiri sarkaal ka tirsan maamulka dowlad degaanka Soomaalida.

Alshabaab ayaa dhinaceeda sheegatay inay dishay ciidamo ku dhow 100 oo Liyuu Boolis ah, ayna qabsaday degaanada Caato iyo Yeed ee Gobolka Bakool, iyadoo gudaha u gashay xad beenaadka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Dhinaca kale ururka ONLF ayaa bayaan uu soo saaray ku baaqay in laga hortago oo la iska difaaco, loona midoobo dagaalka Alshabaab, wuxuuna qoraalkiisa ku caddeeyay in taageerayaasha Ururka ay garab taagan yihiin ciidamada amniga.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON