Thursday, May 2, 2024

AKHRISO: Wararkii ugu danbeeyay Xaalada Madaxweyne Cabdi Iley & War kasoo baxay Maamulkiisa

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay weli qasan tahay iyadoo ciidamada milateriga ee saaka galay magaalada laga saaray oo la geeyay duleedka magaalada.

Xukuumadda dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dhacdooyinka ka dhacay magaalada Jigjiga, waxayna sheegtay in shacabka magaalada Jigjiga dhibaato badan loo geystay, isla markaana ay ku soo xadgudbeen ciidamo milateri ah.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda degaanka Soomaalida itoobiya Idiris Ismaaciil Cabdi ayaa  ka hadlay xaaladda madaxweynaha maamulkaasi, wuxuuna sheegay in madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu nabad qabo.

Ad

Warar hore u soo baxay aya sheegay inuu Cabdi Iley ku sugan yahay xerada ciidamada Liyu Police oo ah ciidamo ay dhistay dowladda Itoobiya si ay ula dagaalamaan ONLF, isagoo ku jira xero ay ku leeyihiin daafaha magaalada.

Madaxweyne Cabdi Iley iyo dowladda Itoobiya ayaa xiriirkoodu ahaa mid liita, iyadoo ay socdeen olole loogu jiray inuu xilka ka dego.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON