Friday, May 3, 2024

Akhriso: Liiska siyaasiyiinta Asmara ee Faarax Macalin u raadinayo ka mid noqoshada Golaha Wasiirada cusub

Iyadoo olole weyn ka socda magaalada Muqdisho oo ku saabsan ka mid noqoshada Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhexda uga dhacay ololeyaal lagu doonayo in kooxo iyo shaqsiyaad uga mid noqdaan Golaha cusub ee wasiirada, waxaana ololaha ku soo biirtay kooxda Isbaheysigii Asmara oo boorka iska jaftay.

Kooxaha xusul duubka ku jira ee dib u soo noolaaday waxaa ka mida siyaasiiyiintii Asmara. Kooxdani waxay asaasmeen sanadii 2007 markii ciidamada Itoobiya galeen magaalada Muqdisho, iyagoo lid ku aha danaha dalalka deriska ah ka leeyihiin Soomaaliya, siiba Itoobiya.

Ad

Faarax Macalin Dawaare hore u ahaan jiray ku xigeenka Guddoomiyaha Barlamaanka Kenya oo si weyn u taageersan kooxdan, isla markaana saaxiibo la ah madaxweyne Farmaajo ayaa Muqdisho u yimid arrintan.


Xubnaha Faarax Macalin doonayo inay ka mid noqdaan Golaha Wasiirada waxaa ka mida:

1. Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

- Advertisement -

2. C/qaadir Xaaji Maxamud Dhaqane

3. Cabdiraxman Kulmiye Xersi

4. Dr. Xusseen Cabdi Nunow

5. Axmed Xasam Gaboobe (Ugaas Bile)

- Advertisement -

6. Maxamed Axmed Nuur (Tarsan)

Golaha wasiirada ayaa dib loo dhigay ku dhawaaqistooda arrimo la xiriira awood qeybsiga iyo kala xulashada musharixiinta, waxaana la arki doonaa inuu qorshaha Faarax Macalin suuragal noqdo.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON