Thursday, May 2, 2024

AKHRISO: Khudbadii muranka dhalisay ee Axmed Madoobe ka jeediyay Xafladii London

Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xaflad soo dhoweyn ah oo ka dhacday magaalada London ka jeediyay khudbad muran dhalisay oo kala qeybisay Soomaalidii goobta ku sugneyd.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inuusan shaqsiyan rumeysneyn FEDERAALKA Soomaaliya lagu wado, isla markaana ujeedka aanu ahay in dalka la sii kala qeybiyo ee loo socdo dowlad mid ah.

HOOS KA AKHRISO KHUBADDII AXMED MADOOBE

Ad

“Qurba-joogta waxaan uga mahadcelinaya gacantii ay ka geysteen gurmadkii abaaraha, waxaanse idiinku daraya wadankaan cidna uma maqna ceelna uma qodna, haddii lexe jeclo laga leeyahay intaasi ma qaadateen, caalamka malaha tijaabaan ugu jirnaa waxaa la rabaa in la inagu tijaabiyo inta dowladd la’aan la noolaan karayo…

Halka kale aan idiinku daraya waxay tahay, wanaag qurbo-joog ayuu ku haray, qabiilkuna iyaguu weli ku danbeeyaa, gudaha markii la joogo dadku waa kasoo daaleen laakiin idinka weli xoogaa xiiso idinku jira. Waxaan u nimi inaan idini muujino midnimo, micno sameyn mayso shir lagu qabtay London, mid lagu qabtay Paris iyo Istanbul, madaxda Soomaaliyeedna micno uma leh, waxaa ugu muhimsan waa midnimada raadinteeda hogaaminta iyo system-kaasi inuu dhisanyahay.

Waxaa laga hadlaa madaxweynayaal badan iyo states- anigu waxaan ahay dadka aan rumeysneyn Federaalism-ka,……………………… wax yar u kaadiya adeer, waxaa la yiri , ukaadiya …… waxyar u kaadiya, inkasta oo uu hadal fiican ahayn waxaa la yiri nin dameer dabadiis ka degay dan buu mooday, in State-yo aan sameyno waxaan dan u moodnay inaan marka hore meel walbo lasoo dhiso kadibna hal meel isugu wada nimaadno , mahan inaan dan kale ka leenahay, madaxweynayaasha badan waa ka gudbi doonaa”.

- Advertisement -

Dadkii xaflada ku sugnaa ayaa ku qeybsamay qolo taageertay oo sacab la istaagtay iyo qolo ku oriday oo buuq iyo qeylo joojin weyday, kana dhex gashay khudbadii, taasoo keentay inuu Axmed Madoobe micneeyo sababta aanu federaal u aaminsaneyn.

Ma aha markii ugu horeysay ee Axmed Madoobe uu si cad u muujiyo inuu diidan yahay nidaamka federaalka ee Soomaaliya lagu wado, wuxuuna hore u sheegay inuu rajo ka qabo Soomaaliya oo leh dowlad dhexe oo xoog leh.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON