Thursday, May 2, 2024

AKHRISO: Isbedelka Abiy Ahmed ku sameeyay Taliyeyaasha ciidamada Itoobiya & Dagaalka Tigray oo kasii daray..

Ra’iisul Wsaaraaha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ku dhaqaaqa tallaabo aan la fileyn markii uu xilalkii ka qaaday taliyihii ciidamada, madaxii sirdoonka iyo wasiirkii arrimaha dibedda, iyadaoo militariga ay maalinkii shanaad dagaal xoog leh ka socda gobolka Tigray.

Abiy Ahmed ayaa shaqo ka eryiddan ku dhawaaqay maanta, ayada oo dagaalka uu kasii darayo, kuna sii riixayo Ethiopia dagaal sokeeye. Xafiiska Abiy oo warkan ku shaaciyey barta twitter-ka ma sheegin wax sabab ah oo loo sameeyey isbeddelladan.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Berhanu Jula oo ahaa taliye ku-xigeenkii ciidamada ayaa hadda loo dalacsiiyey taliyaha ciidmada Itoobiya. wuxuuna bedleayaa General Adem Mohammed. halka Lt. Gen. Ababaw Tadesse loo magacaabay taliye ku xigeenka ciidamada.

Ad

Temesgen Tiruneh oo maanta iska casilay Madaxweynaha Gobolka Amxaarada, ahaana saaxiib aad ugu dhow Abiy Axmed ayaa loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Itoobiya ee (NISS), isagoo lagu bedelay Demelash G. Michael oo xilka laga eryay.

Sidoo kale Demelash G. Michael laba qaaday xilka Siroonka ayaa hada loo magacaabay Taliyaha Booliska ee dowladda Itoobiya.

Wasiirki Arimha dibadda Gedu Andargachew ayaa xilki laga qaaday, waxaana loo magacaabay Demeke Mekonnen oo ahaa Ra’iisal wasaare ku xigeen, isagoo isku heyn doona labada xil.

- Advertisement -

Abiy Ahmed ayaa weli wada ololaha uu Arbacadii ku dhowaaqay ee ka dhanka ah gobolka Tigrayga, inkasta oo ay jiraan codsiyo ka imanaya beesha caalamka oo ku saabsan inuu wada-hadal la galo xisbiga maamula gobolkaas ee TPLF.

Dhinaca kale, ku dhowaad 100 askari oo Ethiopian ah ayaa dhaawacyo looga daweeyey gobolka Amhara ee waqooyiga dalkaas, sida ay maanta sheegeen saraakiil caafimaad, taasi oo muujineysa in dagaalka uu sii xoogeysanayo.

Khasaarahan ayaa imanaya ayada oo Abiy iyo hogaamiyayaasha militariga ay ku faaneen guulo ka dhan ah ciidamada daacadda u ah TPLF.

Isgaarsiinta oo laga jaray gobolka Tigrayga ayaa adkeyneysa in la xaqiijiyo hadallada kasoo baxaya mas’uuliyiinta, hase yeeshee waddooyinka gobolka Amxarada ayaa inta badan lagu arkayaa baabuurta gurmadka deg degga ah oo isbitaallada ula ordaya askar dhaawac ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON