Thursday, May 2, 2024

Yusuf Garad: “Shabab oo keliya ayaa heysta Dad isu qarxiya, keligoodse Muqdisho dadka kuma dilaan”

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay dooda ka dhalatay cidda ka dambeysa weerarrada Muqdisho oo dadka qaarkii ay shaki geliyeen.

“Qaraxii iigu horreeyay oo ka dhacay meel aan joogo waxay ahayd 2013. Weerarkaas waxaa soo qaaday saddex wiil oo labana ay is qarxisay midna lagala hormaray oo la dilay isaga oo gashan jaakad qarax ku rakiban yahay. Isla markiiba waxaa tuhun la geliyay cidda ka dambeysa weerarka. Xataa shisheeya ayaa ka qeyb qaatay far ku fiiqidda jiho aan ahayn Shabaab. Ilaa markaas waxaan arkayay marka uu qarax dhaco dadka qaar keena tuhun ah in weerarku Shabaab ahayn ee ay ka dambeeyaan dhinacyo kale. Ma ogi xaqiiqadeeda. Mid ayaanse ogahay. Shabaab keliyihi Muqdisho dadka kuma dilo…” ayuu yiri Yuusuf Garaad

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay Baaritaan cilmi ku saleysan si weerar kasta lagu sameeyo waxna laga barto, iyadoo Xuuraansi ka sokow, Maaddooyinka laga sameeyay qaraxa iyo tabta loo sameeyay wax ka sheegaan cidda sameysay. Xataa waxaa laga ogaan karaa qofka qaraxa sameeyay cidda tababbartay.

Ad

“Baaritaan iyo dabaggal noocaas ah ama ka sarreeya maaddaama aanan arag cid natiijadiisa ila wadaagta, anigu waxaan weerarrada u sameystay halbeeg fudud. Waxaan hubiyaa in weerarka uu fuliyay ama uu qeyb ka yahay qof is qarxiyay. Haddii ay jawaabtu haa tahay, Shabaab oo keliya ayaa haysta dad isu qarxiya, adeegsadana…” ayuu yiri Yusuf Garad.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON