Monday, April 29, 2024

XOG: Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Imaaraadka Carabta oo diidan inuu xilka Wareejiyo [Akhriso]

Safiirka Soomaaliya ee dalka Imaaraadka u fadhiyay C/qaadir Sheekhey Maxamed Alxaatimi ayaa diidan inuu wareejiyo xilka ay ka dalbatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya.

Safiirka oo markii labaad xilkan qabtay Bishii May 2012 ayaa si weyn ugu xididdeystay Imaaraadka, wuxuuna ku lug yeeshay lacago wasiirkii maaliyadda dowladii Sheekh Shariif ee Shariif Xasan Sheekh Aadan uu lunsaday, waxaana bedelkiisa soo saaray bishii hore xukuumadda Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa 8 safiir oo loogu yeeray inay dalka soo galaan oo ay xilka ku wareejiyaan kuxigeenadooda.

Safiirka Soomaaliya ee  Imaaraadka C/qaadir Sheekhey Maxamed Alxaatimi
Safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka C/qaadir Sheekhey Maxamed Alxaatimi

Safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta C/qaadir Shiikhey ayaa mar kale looga dalbaday qoraal 24-kii bishii hore ee October loodiray, iyadoo loogu yeeray inuu Muqdisho tago, taasoo uu ka dhego adeygay.

Ad

Waxaa la filayay inuu xilka ku wareejiyo Axmed Dahir Maxamed oo noqon lahaa Sii-hayaha Safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta, laakiin Danjire Sheekhey ayaan dheg jalaq u siinin go’aanadda wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya, isagoo taageero buuxda ka heysta madaxda Imaaraadka oo ay si weyn isu fahamsan yihiin.

Goobjooge

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON