Monday, April 29, 2024

Xildhibaan soo bandhigay caddeymo 8 Milyan Doolar oo uu lunsaday C/weli Gaas [Daawo + Dokument]

Xildhibaan ka tirsan Guddiga Qorsheynta iyo Siyaasadda ee Baarlamanka Dowlada Puntland ayaa warbaahinta usoo bandhigay cadeymo ka dhan ah Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ka dib markii uu sheegay inuu ku guul dareystay Madaxweynuhu inuu ka jawaabo  su,aal maalmo ka hor uu ku waydiiyay furitaankii kalfadhiga 38aad ee baarlamanka inay jirto lacag Dowlada Federalka Soomaaliya ay siisay Puntland .

Xildhibaan Cismaan Diiriye Kulane ayaa  sheegay inay Dowlada Federalku siisay Puntland lacag cadadkeedu dhan yahay 7, 750,000 (Toddoba Milyan, toddoba Boqol iyo konton kun oo dollar) taas ooo uu sheegay Xildhibaanku inay qeyb ka ahayd lacag 20 Milyan ah oo mar sii horeysay loo qeybiyay maamulada Galmudug, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Mudanahan ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa ka codsaday Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya inuu caddeeyo lacagtaan ka dib markii uu sheegay inuu ku inkiray Madaxweynaha Dowlada Puntland, Islamarkaana markii uu waydiiyay uu Madaxweynuhu ka dalbaday Xildhibaan Kulane  inuu horkeeno cadeynteeda Baarlamanka Puntland.

Ad

Xildhibaan Cismaan Diiriye Kulane ayaa hoosta ka xariiqay inay kasoo gaartay lacagtani Soomaaliya dalka Sucuudiga, Islamarkaana uu horey u waydiiyay arrimo la xiriira Wasiirka Maaliyadda Dowlada Puntland.

img_4064img_4070img_4072img_4074img_4075img_4076

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON