Tuesday, April 30, 2024

Weerarro Bambooyin oo lagu qaaday Saldhigyo Boolis oo ku yaalla Muqdisho & Rag loo qabtay.

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa weerarro bam lagu qaaday laba ka mida saldhigyada Booliska magaalada Muqdisho.

Sida uu sheegay taliska ciidamada Booliska waxaa Bambooyinka lagu weerarray saldhigyada degmooyinka Hodan iyo Howl-Wadaag ee Gobolkan Banaadir, iyadoo wararku sheegayaan in la qabtay laba nin oo Bam gacmeed ku weerarray saldhigyadaasi caawa markii ay isku dayeen inay baxsadaan.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in la qabtay Nin Bam ku weeraray Saldhig Ciidan oo ku yaalla xaafada Taleex ee degmada Hodan iyo nin kale oo isna Bam ku weerarray Saldhig kale oo ciidamada ku leeyihiin Suuqa Bakaaraha.

Ad

“Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku soo dhigay dhaqarqabe Bam ku soo tuuray Waaxda Taleex ee degmada Hodan. Sidoo kale waxey ku guleysteen in ay soo qabtaan dhagarqabe kale oo isla caawa bam ku tuuray suuqa bakaaro ee degmada Howlwadaag..” ayaa lagu yiri qoraal ay soo dirtay taliye ku xigeenka ciidamada Booliska

Ma jirto faahfaahin kale oo laga bixiyey weerarradan marka laga reebo inaysan geysan wax qasaare ah, iyadoo aan lasoo bandhigin ragga la sheegay in la qabtay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON