Monday, February 10, 2025

Koox hubeysan oo fal dil ah ka geystay Xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho..

Koox hubeysan ayaa Caawa dil ka geysatay Xaafad ka tirsan degmada Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho, iyagoo kadibna baxsaday.

Falka dilka ah ayaa ka dhacay xaafada Cali Caliyow ee degmada Howl-Wadaag, waxayna dableyda toogasho ku dileen nin Magaciisa lagu sheegay Maxamed Gaab oo dadka degaankaasi ay sheegeen inuu ka mid ahaa dadka caanka ka ah xaafadaasi, kana mid ahaa bahda ciyaaraha.

Dableyda dilka geystay ayaa goobta ka baxsatay intii aysan gaarin ciidamada amniga, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in laba dhalinyarro ah ay dilkaasi ka danbeeyeen, mana jirin cid loo qabtay falkan.

Ad

Alshabaab ayaa inta badan sheegata dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo muddooyinkii danbe ay xaalada soo hagaageysay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON