Sunday, May 5, 2024

War-Saxaafadeed: Ra’iisal Wasaaraha oo Golaha wasiirada u furay seminaar looga doodayo qorsha xukuumadda ee 100-ka maalmood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa maata furay kulan ay isugu yimaadeen golaha wasiirada kaas oo socon doona mudo laba maalin ah, waxaana looga hadlayaa qorshaha mudnaanta koowaad u leh xukuumadda ee 100-ka maalmood soo socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in u jeedka laga leeyahay kulankaan ay tahay dar-dar galinta iyo isku xirka howlaha xukuumadda iyo in la xaqiijiyo adeegyada ay xukuumadu gaarsiinayso shacabka kuwooda ugu muhiimsan, sida nabada ku soo dabaalida dalka, dib u heshiisiinta, adeegyada asaasiga u ah bulshada, dhamaystirka maamul u samaynta gobolada iyo kobcinta dhaqaalaha.

gw2

Ad

[ad name=”HTML-2″]

“Kulankaan ay isugu yimaadeen golaha wasiiradda waa mid soconaya laba maalmood, waxaana laysla meel dhigayaa dar-dar galinta howlaha xukuumadda, waxaana wasiiradu ka doodayaan waajibaadkii ay ku shaqayn lahaayeen 100-ka maalmood ee soosocda, waxaana dajinaynaa qorshe lagu qiimaynayo wax qabadkooda, taas oo cadayn u ah inuu jiro isla xisaabtan aan ku wargalinayno shacabka hadba meesha wax marayaan”

“Hadafkeenu waa inaan gaarno xasilooni siyaasadeed iyadoo aan u marayno tanaasul, is af garad iyo ka hortag inuu abuurmo khilaaf. Qorshaha boqolka maalmood waa inaan horseedno sidii aan u asaasi lahayn madal wadatashi ku dhisan oo isku keenta dhamaan qaybaha kala duwan ee bulashada, arintaan waxaa kaalin buuxda ka qaadanaya sidii laysugu duba ridi lahaa guddi golaha wasiirada ah”

- Advertisement -

 

gw1

[ad name=”HTML-4″]

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu garwaaqsan yahay iney jiraan caqabado dhanka dhaqaalaha iyo duruufo adag oo lagu shaqaynayo, isla markaan ay xukuumadda ka go’an tahay wax qabad iyo in laga soo baxo fulinta qorshaha boqolka maalmood, una soo gudbino shacabka wax qabad la taaban karo.

- Advertisement -

Ugu danbayntii Ra’iusl Wasaaraha ayaa xusay in howlaha ugu waaweyn ee lagu gaari karo xaqiijinta higsiga cusub ay ugu horeeyaan adkaynta amniga, dhamaystirka dowlad goboleedyada, dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, iyo dhisida gudiyada ay baarlamaanku ansixyeen sida gudiga doorashooyinka.

—-DHAMAAD—-
Ahmed-nur Mohamed
Waaxda Warfaafinta
Muqdisho, Soomaaliya
media@opm.gov.so

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

[ad name=”HTML-3″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON