Tuesday, April 30, 2024

Talisyada Mareykanka iyo Somaliya tiro is-khilaafsan ka sheegay Duqeyntii Aaga Xarardheere

Taliska Militariga Mareykanka ee Afrikca ayaa sheegay in duqeyn cusub oo ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen xubno ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab, Gobolka Galgaduud.

Qoraal kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in kadib codsi ka yimid dowladda federaalka oo la taageerayo ciidamada xoogga dalka ay duqeyntan 23-kii Janaayo 2023 ka fuluyeen meel u dhow magaalada Xarardheere.

Warka AFRICOM ayaa lagu sheegay in qiimeynta hordhaca ah ay sheegeyso in weerarka lagu dilay laba ka mid ah argagixisada Al-Shabaab. AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay in aanay jirin rayid dhaawac ama dhimasho uu kasoo gaaray weerarka.

Ad

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa shalay warbaahinta dowladda u sheegay in howlgal ay ka fuliyeen deegaan hoostaga Xarardheere ay ku dileen 39 ka mid ah Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya iyo Taliska AFRICOM ayaa inta badan kala sheega tiro aad u kala duwan oo ah Alshabaab-ka lagu dilo duqeymaha, mana cadda in Dowladd Federalka ay tirada kordhiso iyo in Mareykanka uu yareeyo.

Waa weerarkii labaad oo saddex maalmood gudahood ay Mareykanka ka fuliyaan Soomaaliya. AFRICOM ayaa sidoo kale weerar ka dhacay magaalada Galcad ee gobolka Gaduud 20-kii Janaayo waxay ku dileen 30 ka mid ah Al-Shabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON