Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Hannaanka Qiimeynta Xaqiijinta Shuruudaha ku xiran inay Soomaaliya ee ku biirto Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Shirka waxaa furay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane, Abshir Axmed Haruuse, waxaan Muqdisho ku sugan Guddi ka socda Ururuka EAC, iyadoo shirkan uu gebogebo u yahay shuruudihii ku xirnaa in ay Soomaaliya ku biirto Ururka EAC.
Wafdigan ururka EAC ayaa Muqdisho joogi doona muddo 7 maalmood ah, iyagoo la kulmi doona madaxda Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee hey’addaha dowladda si ay u hubiyaan in Dowladda Soomaliya la jaanjaadi karto dalalka Ururkan ku jira oo dhaqaale ahaan isku furan.
Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika, (EAC) oo ay xaruntiisu tahay Tansaaniya ayaa la sameeyay sanaddii 2,000, waxaana qeyb ka ah waddamada Tansaaniya, Yugaandha, Kenya, Ruwandha, Burundi, Koofurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Dimoqraaddiga Congo (DRC), waxaana la filayaa inay siddeed ku noqoto dhowaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
