Monday, April 29, 2024

Soomaaliya iyo Dowladda Qatar oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad ah (MoU)

Dowladhaa Soomaaliya iyo Qatar ayaa magaalada Doha ku kala saxiixday heshiis ku saabsan xoojinta waxbarashada dalka.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle oo ka qayb galay Shirka Madasha Dooxa, ayaa uu Heshiis Is-afgarad ah (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhanka waxbarashada ee Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar la saxiixday Hay’adda Qatar Fund.

Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa lagu taageerayaa waxbarashada ubadka Soomaaliyeed ee aan fursadda u helin in ay aadan dugsiyada, ayaa sidoo kale kor loogu qaadayaa tayada waxbarashada dalka iyo la dagaallanka heerka jahliga ee bulshada Soomaaliyeed.

Ad

“Waxbarashada ubadka Soomaaliyeed waa mudnaanta koowaad ee dowladeenna. Heshiiskan Is-afagradka ah waa mid aan ku dardar gelinayno dadaalka aannu ku bixinayno in aannu ardayda Soomaaliyeed gaarsiinno waxbarasho tayo sare leh, sidoo kale na kaga fogaanayno in jiilal badan oo gaaray xilligii waxbarashadu ay seegaan dugsiyada.” Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Waxbarashada.

Munaasabadda lagu saxiixayey Heshiiskan Is-afgaradka ah, waxaa sidoo kale ka qayb galay, Danjiraha Dowladda Soomaaliya u jooga dalkan Qadar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, La Taliyaha Wasaaradda Waxbarashada Siciid Jaamac Guuleed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -
May be an image of 2 people and people standing

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON