Sunday, May 5, 2024

Somaliland oo Eriday Arday kashifay sida loo Musuqmaasuqay Barnaamijkii ‘Shaqo Qaran’

Maamulka Somaliland ayaa eryay afar ka mida Ardayga Barnaamijka Shaqada Qaran ee shalay la halday saxaafadda iyagoo ka warbixiyey Musuqmaasuq lagu qoray arday aan ka mid ahayn barnaamijkaasi oo madaxtooyada Somaliland wadatay.

Afarta arday ee dhalinyarrada ah ayaa lagu eedeeyay inay ku kaceen fal qas abuur iyo sharci darro ah, wuxuuna ku dhawaaqay Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran ee Somaliland Mudane Maxamed Xuseen (Mu’addinka) in afartaas dhalinyaro oo khalkhal geliyey imtixaankii shalay laga qaaday laga saaray Barnaamijkaasi.

Dhalinyaraddan oo ka kooban Saddex Wiil iyo Gabar oo ay ka mid ahaayeen kala ahaa: Cabdalla Saciid, Xamda Ismacil Ibrahim iyo Axmed Kilaas ayaa tegay hotelka Grand Hadi oo imtixaan qarsoodi ah uu ka socday, lagana qaadayay arday aan ka mid ahayn barnaamijka shaqo qaran.

Ad

Xisbiga Waddani ee mucaaradka ah ayaa dhaliilay waxa ka dhacay Barnaamijka Shaqo Qaran, isagoo ku eedeeyay maamulka Muuse Bixii iyo Kulmiye inay shalay aaseen Barnaamijkii Shaqo Qaran ee ahaa kan kaliya ee rajada laga qabay, ayna ku kaceen musuq iyo cadaaladda darro, wuxuuna geesiyaal ku tilmaamay dhalinyarrada la ereyay iyo saxafiyiintii shalay la xiray ee runta ka hadlay.

HOOS KA DAAWO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON