Monday, April 29, 2024

Siyaasiyiin Caan ah oo Qaadacay Dastuurka cusub ee Baarlamaanka Federaalka Ansixiyay

Siyaasiyiin caan ah oo kala ah: Ra’iisul wasaarayaashii hore Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qaadacay wax ka bedelka dastuurka cusub ee maanta ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Warsaxaafadeed wadajir ah oo ay saareen saddexdan siyaasi ayay ku diideen tallaabadii Baarlamaanka Soomaaliya ee ax ka beddelka 4-ta cutub ee ugu horeeya dastuurkii Kumeelgaarka ahaa.

“Madaxweynuhu wuxuu dalka u horseeday qalalaase iyo hubanti la’aan siyaasadeed, wuxuu qalqal geliyey geedi socodkii dib u heshiisiinta iyo dawlad dhiska, wuxuu dhaawacay is aaminaddii iyo kalsooni dhiskii ummadda” ayey qoraalkooda ku yiraadeen saddexdan siyaasi oo ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu sameeyay laba dastuur oo muran iyo mugdi gelinaysa sharciyadda Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dastuuriga ah.

Ad

Cumar Cabdishiid, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxay caddeeyeen inaysan aqoonsaneyn bedelka lagu sameeyay Dastuurka, balse ay aqoonsan yihiin dastuurkii KMG ee dalka.

“Waxaan si wadajir ah u qaadacnay dastuurka, waxaan aqoonsanahay dastuurka KMG ah ee 15-ka cusub iyo 143 qodob ka kooban. Waxaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u cadaynaynaa in masuuliyadda iyo caaqibo xumida ka dhalata dastuur bedelidda ay qaadayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoonka labada aqal ee
Baarlamaanka” ayaa ka mid ahaa Qoraalka ay soo saareen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON