Wednesday, May 1, 2024

Sidee Farmaajo ula wareegay kaalintii RW Rooble ka qaadan lahaa dagaalka ka socda Galmudug?

Waxaa malaintii labad dagaal lagu hoobtay oo qasaare badan dhaliyey ka socdaa magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyadoo aanu wax kaalin ah ku lahayn Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta.

Xiriirka Ra’iisal wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa xaalado kala duwan soo maray, iyadoo markii ugu danbeysay uu ahaa mid soo hagaagaya intii aanu fashilmin waanwaantii Qoorqoor ka dhex waday Farmaajo iyo Rooble, taasoo markii danbe libinteeda uu qaatay C/casiis Lafta-gareen.

Waxaa mar qura is bedelay mugdigii soo dhex galay xiriirka Farmaajo iyo Qoorqoor, kadib markii ay Ahlu suna qabsaay Guriceel, iyadoo Farmaajo uu si buuxda u taageeray go’aanka uu qaatay madaxweynaha Galmudug ee ah inuu awood u adeegsado Ahlu-sunadda qabsatay magaalada Guriceel.

Ad

Farmaajo oo ka faa’iideysanaya xaaladda Galmudug, isla markaana rajo badan ka qaba inuu si buuxda u hantiyo Qoorqoor iyo Doorashada Golaha shacabka ee ka dhaceysa degaanada Galmudug ayaa ciidamo fara badan iyo saanad ku daabulay Dhuusamareeb, waxayna ciidamada federaalka noqdeen awodda uu ku tiirsan yahay xukunka Qoorqoor.

Ra’iisal wasaare Rooble oo dhowaan uun la heshiiyey Farmaajo, waxaa meesha ka baxday kaalintii uu ka qaadan lahaa xaaladda Galmudug, si uu u kala badbaadiyo beeshiisa, umana sahlana inuu dagaalka socda taageero ama ka hor yimaado, taasoo keenay in wax go’aan ah aanu ka qaadan ilaa xilligan.

Haddii uu taageero waxay meesha ka saareysaa kaalintiisii nabadeed iyo inuu ku waayo qeyb ka mida tolkiisa, haddii uu ka hor yimaadana waxay ka dhigeysaa nin aan wax awood ah ku lahayn waxa socda oo magac u yaal ah.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON