Sunday, January 26, 2025

Saameynta Dagaalka Guriceel: Duqeynta Isbitaalka Istarliin iyo Dhaawacyo Isbitaal lagala baxay

Iyadoo uu habeenkii saddexaad galau dagalaka magaalada Guriceel ee Gobolka Galgadiid ayaa maatna waxaa dhacay dagaallo qaraar oo hub waaweyn iyo madaafiic la isku adeegsaday, waxaana ka dhsasay qasaare kal duwan.

Saameynta dagaalka ee maanta ayaa waxaa ka mida laba dhaco oo ka kala dhacay Guriceel iyo Gaalkacyo oo ka fog goobta dagaalka, waxay ahaayeen falal aan hore loogu arag dagaalladii ka dhacay degaanada kala duwan.

Ilaa saddex madfac ayaa maanta lagu duqeeyay Isbitaalka Istarliin ee magaalada Guriceel, iyadoo ay ku dhaceeb Hoobiyeyaal lala eegtay oo gaarsiiyay isbitaalka burbur dhismaha iyo qalabka Isbitaalka.

Ad

Agaasimaha Isbitaalka Istarliin Raxmo Axmed Diiriye ayaa caddeysay inaysan cidna ku dhiman madaafiicda Isbitalak Istarliin ku dhacday, balse ay dhaliyeen qasaare qalab iyo dhismaha ah.

Xogta laga helay magaalada Guriceel ayaa sheegeysa inay Isbitaalka duqeeyeen ciidamada dowladda, kadib markii la sheegay in la dhigay dhaawacyada Ahlu suna, wuxuuna isbitaalka ku yaallaa degaanada Ahlu suna hyesatay.

Dhinaca kale fal kale ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, halkaaso oo ciidamada Danab ay Isbitaal kala baxeen saraakiil dhaawac ah oo ka tgirsan Ahlu suna, kuwaas oo ku dhaawacmay dagaalka Guriceel, lana geeyay Gaalkacyo.

- Advertisement -

Saraakiisha dhaawac ahaa ee isbitaalka lagaal baxay ayaa magacyadooda lagu sheegay: Cali Xade, Cali Faarax iyo Maxamuud Tashade.

Dagaalka Guriceel ayaa dhaliyey qasaare xoog leh, waxaana ku dhintya saraakiil iyo ciidamo fara badan, waxaana muuqata baahida loo qabo in dagaalkaasi lasoo afjaro si kastaba.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON