Thursday, May 2, 2024

Sheekh Shaakir: “Galmudug waxaa dibadda uga yimid oo mas’uuliyadiisii la cararray dad aan waxba qaban”

Hoggaanka Galmudug ayuu ku eedeeyay in dibadda looga keenay, mas’uuliyadii loo dhiibayna aanu waxba dadka ugu qaban.

Hoggaamiyaha Ahlu Suna ee ciidamadiisa dib u qabsadeen magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ka hadlay ujeedka Ahlu suna iyo dhaqdhaqaaqa ciidan ee ay ka wadaan Galmudug.

Sheekh Shaakir ayaa caddeeyay in ujeedkoodu yahay la-dagaalanka Alshabaab, balse wixii ka sokeeya ay la tacaalayaan, isagoo ka deyriyey maamulka ka jira Galmudug sida uu uga gaabiyey dagaalkii Alshabaab, taasoo keenay inay dib isu abaabulaan.

Ad

Wareysi uu siiyey BBC-da ayuu Sheekh Maxamed Shaakir ku sheegay in Galmudug ay iyagii soo weerartay, halkii ay ahayd inay Alshabaab la dagaalamaan, isagoo dhinaca kale sheegay inay diyaar u yihiin wadahadal.

Hoggaanka Galmudug ayuu ku eedeeyay waxqabad la’aan iyo inuu noqday maamul dibadda looga keenay oo haddana lala cararro. “Galmudug waxay noqotay maamul dibadda looga yimaado mas’uuliyad laga qaato haddana lala cararro ee aan waxba loogu qaban, marka waa in la helaa mas’uuliyiin umadda u adeegeysa oo umadda wax u qabaneysa ee aan wax ka qabsaneynin…” ayuu yiri Sheekh Shaakir oo si toos ah weerar ugu qaaday hoggaanka Galmudug ee Axmed Qoorqoor.

“Waxaan rabnaa nidaamka Galmudug in la hagaajiyo oo la isku waafaqo.. waxa aan rabno waa wadahadal.. ananga iyo Alshabaab waxaa maamulka Galmduug u darnaaday culimadii, waana ka xunnahay in cidamo laga soo daabulo Alshabaab..” ayaa ka mid ahaa haddaladii Sheekh Shaakir.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON