Tuesday, April 30, 2024

SAWIRRO: Wararkii ugu danbeeyay Qarixii ka dhacay Tareenka Magaalada London

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax  lala beegsaday tareen ka mid ah kuwa London ee dhulka hoostiisa mara.

Qaraxa oo dhacay 08:20 xilliga London, waxaana booliska iyo howlwadeennada caafimaadka ay gaareen goobta uu ka dhacay oo ah boosteejada Parsons Green ee Fulham. Waxaana lasoo weriyay dhowr qof oo ku dhaawacmay.

Booliska la dagaallanka argagixisada ayaa sheegay inay qaraxa ula tacaalayaan inuu yahay “fal argagixiso.” Askar hubaysan ayaa la geeyay goobta uu qaraxa ka dhacay.

Ad

Booliska ayaa sheegay in qaraxa loo adeegsaday Bam la dhigay tareenka xilliga ugu mashquulka badan magaalada.

18 qof ayaa la dhigay isbitaallada oo ay haleeleen dhaawacayo iyo gubasho, waxaana weli socda baaritaanka ay wadaan booliska iyo sirdoonka dalkaasi.

- Advertisement -

Bag

Map

Woman with her head bandaged

London Underground train

- Advertisement -

People outside Parsons Green Tube station

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON