Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo ahaa miino dhulka la geliyay ayaa ku qarxay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda, wuxuuna ka dhacay inta u dhaxeysa Siinka Dheer iyo Ceelaha biyaha.
Gaariga qaraxa lala beegsaday ayaa ka baxsaday iyadoo qasaare yar uu soo gaaray, lamana soo sheegin qasaare soo gaaray ciidamadii la socday.
Ad
Goobta qaraxa ka dhacay ayaa u dhoweyd goob ay ciidamada ammaanka ku baaraan gaadiidka oo ah bar koontarool.
Goobjooge
Warar Xul ah