Sunday, May 5, 2024

SAWIRRO: Faahfaahin Qaxooti Soomaali ah oo diyaarad ku leysay Xeebaha dalka Yeman

Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in 31 qaxooti ah oo la socday doon ka tagtay dalka Yeman, kuna sii jeeday dalka Suudaan ay dhinteen.

Qaxootigan ayaa u badnaa Soomaali, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka ee IOM qaxootiga ku dhintay weerar ay ku qaaday diyaarad helikobtar ah ayaa sitay aqoonsiga hay’adda qaxootiga ee UNHCR.

Madaxda IOM ee Magaalada Sanca Laurent De Boeck ayaa sheegay inaysan si degdeg u xaqiijin karin inay Soomaali yihiin qaxootiga la duqeeyay.

Ad

Wakaalada wararka Yeman ee SABA oo ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta shiicada ah ayaa sheegtay in weerarka dhacay uu ahaa duqeyn diyaaradeed oo ka dhacay Xeebta Gobolka Xudeyda, balse ma sheegin cidda ka danbeysay weerarka.

77 qof ayaa laga soo badbaadiyay weerarka oo laga soo saaray badda, waxaana la geeyay xero iyadoo adeegyo caafimaad loo fidiyay, waxaana ku jira dhaawacyo darran oo jirkoodu qaar maqan yihiin. Meydadka ayaa iyaguna la geeyay isbitaalka Al-tawra.

Waxaa loo maleynayaa in weerarka ay geysteen isbaheysiga Sacuudigu hogaamiyo ee dagaalka kula jira jabhadda Xuutiyiinta.

- Advertisement -

SAWIRRO

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON