Sunday, April 28, 2024

SAWIRRO: Doorashada Madaxweynaha Somaliland oo maanta loo dareeray & rajada saddexda musharax

Gobollada Maamulka Somaliland ayaa maanta looga dareeray doorashada madaxweynaha dalkaasi oo ay ku loolamayaan saddex musharax.

Doorashada oo ka dhaceysa gobollada maamulka la baxay Somaliland, ayaa safaf dhaadheer loo galay, waxaana dadweynaha isugu soo baxay ay lug ku tageen goobaha cod bixinta iyadoo la joojiyay gaadiidka maalinta doorashada.

Doorashada ayaa si nabadgelyo ah ku bilaabtay, waxaana loo arkaa mid taariikhi iyadoo noqoneysa tii saddexaad ee degaanada maamulka Somaliland ka dhacda.

Ad

Doorashada Madaxweyanha Somaliland waxaa sanadkan ku tartamaya Musharaxiinta kala ah:

1- Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka UCID

2- C/raxmaan C/laahi Cirro  Guddoomiyiha xisbiga Wadani iyo

- Advertisement -

3- Muuse Biixi Cabdi oo hoggaamiyaha Xisbiga Kulmiye ee talada haya

Waxaa tartanka ugu adag dhex mari doonaa labada xisbi ee Kulmiye iyo Wadani iyadoo la filayo inay isu dhowaan Muuse Biixi iyo C/raxmaan Cirro sida saadaashu sheegeyso.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON