Wednesday, May 1, 2024

Sarkaalkii ugu muhiimsanaa Gobollada Dhexe ee Alshabaab oo isu dhiibay Dowladda Federaalka

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab uu isku soo dhiibay ciidamada dawladda ee gobolka Hiiraan.

Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in sarkaalka isa soo dhiibay uu Al-Shabaab uga hawlgeli jiray gobolka Mudug. Dawladda ayaa sarkaalka magaciisa ku sheegtay Bishaar Muumin Faarax.

Wararka ayaa sheegaya in ninkaasi uu ahaa ku xigeenka maleeshiyaadka ee deegaannada Xarardheere. Bishaar Muumin Faarax uu ahaa Taliye xigeenkii maleeyshiyada Kooxda Al-Shabab qeybta Jabhada ee Gobalada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe.

Ad

Taliyaha Guutada 52-aad ee ciidamada Somalia Jeneraal Maxamed Axmed Tereedisho ayaa xaqiijiyey inuu is dhiibay sarkaalkan, waxaana uu sheegay in sarkaalkan uu watay laba qori oo AK 47 iyo rasaas badan.

Jeneral Tereedishe ayaa sidoo kale sheegay in sarkaalka gacantooda soo galay uu Hiiraan u joogay in uu howlgalo dagaal uu ka fuliyo inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan, waxaana uu intaa raaciyay in ay dhabar jab weyn ku tahay kooxda Al-Shabaab isa soo dhiibida Bishaar Faarax Muumin.

Warar Xul ah
SourceVOA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON