Agaasinka cusub ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in goor dhow lagu dhawaaqo.
Isbedelka lagu sameynayo maamulka Madaxtooyada ayaa saameynaya agaasimaha iyo agaasime kuxigeenka, waxaana agaasimaha guud ee madaxtooyada loo magacaabayaa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Agaasime ku xigeenka ayaa la sheegay in loo magacaabayo haweeney hore u soo noqotay xildhibaan ka tirsan Baarlamaankii KMG ahaa, iyadoo aanay xil ka qaadista agaasinkii hore saameyn doonin C/qaadir Shoole.
Arrintan ayaa noqoneysa markii saddexaad ee madaxweyne Farmaajo uu isbedel ku sameeyo agaasinka madaxtooyada muddo saddex bilood ah oo uu xilka hayay, taasoo muujineysa siyaasadda aan salka fadhiya lahayn ee ku wareegsan madaxweynaha.
Goobjooge