Thursday, May 2, 2024

Sarkaalkii Alshabaab ee lagu qabtay Gedo oo caawa laga dejiyay Muqdisho (WARBIXIN XASAASI AH)

Zakariye Ismaaciil Xersi oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee Alshabaab dhowaana lagu qabtay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo isagoo doonaya inuu isu dhiibo dowladda Soomaaliya ayaa caawa laga soo dejiyay magaalada Muqdisho kadib faragelin ay dowladda Kenya ku sameysay arrintiisa oo kula wareegtay muddo laba maalmood ku dhow.

Ninkan oo Alshabaab ay sheegeen inuu muddo hore ka tegay kana mid ahayn kooxdooda ayaa isagoo uu wehliyo nin kale tegay degamada Ceelwaaq halkaasoo ciidamada dowladda ee degaankaasi ay ku qabteen.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarad uga dirtaysi loo keeno magaalada Muqdisho, diyaaradaasi ayaa waxaa ku dhacay qorshe loo maleegay kadib markii marinkeedii loo weeciyay garoonka diyaaradaha Wajeer, halkaasoo ay ku xayirneyd in 3 maalmood, waxaana diyaaradaas Muqdisho ka raacay Xildhibaan Axmed Daqare oo ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Gobolka Gedo si uu Zakariye u soo wehliyo ugana soo dejiyo Muqdisho.

Ad

Diyaarad ay leeyihiin ciidamada sirdoonka Kenya ayaa isla maalintii la xayiray diyaarada dowladda Soomaaliya ka degtay degmada Ceelwaaq, waxaana dood dheer la wareegay ciidamada Kenya oo u qaatay dalkooda; iyadoo wararka qaarkood sheegayaan inay Kenya iyo Mareykanka qorshahaasi ku wada jireen.

Muddo ku dhow 48 saacadood kadib ayaa Zakariye la keenay galabnimadii maanta garoonka Wajeer halkaasoo lagu soo wareejiyay diyaaradii dowladda Soomaaliya u dirtay oo hoganeysay garoonkaasi, kadibna waxaa suuragal noqotay in caawa Muqdisho laga soo dejiyo sarkaalkan oo lagu xiray Xabsiga Godka Jilacow oo ay maamulaan sirdoonka Soomaaliya. Arrintan  waxay ka danbeysay wadahadallo khadka telefoonka ku dhex maray madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa tuhunsan in sarkaalkan uu markii horeba ahaa nin shaqooyin badan isku hayay “Double Agent” arrintiisuna aanay sahlaneyn, isagoo weliba sida Axmed Cabdi Godane ah aqoonyahan dalka Pakistan wax ku bartay.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON