Friday, May 3, 2024

Safiirka Ruushka oo Dowladda Somalia soo gaarsiiyey Martiqaad [Kulamo uu la yeeshay Ra’iisal wasaaraha iyo..]

Safiirka Ruushka ee Soomaaliya Mikhail Golovanov ayaa kulamo kala gaara la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda, isagoo martiqaad ku saabsan shirka Russia iyo Afrika soo gaarsiiyey madaxda dowladda Somalia.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Khayre iyo afiirka Ruushka u fadhiya Muqdisho, Mikhail Golovanov ayaa looga hadlay xoojinta xariirka labada dal iyo soo nooleynta iskaashigii labada dal, wuxuuna Mikhail Golovanov sheegay in dowladda Ruushku xoojineyso xariirka kala dhexeeya Soomaaliya, ayna dowladda ka taageereyso dhimacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Waxbarashada.

Ad

Dhinaca kale Safiirka Ruushka ayaa isla maanta la kulmay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi iyadoo uga wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo ka-qeybgalk shirka Ruushka iyo dalalka Afrika oo bisha Oktoobar ka dhoco magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Kulanka qaabilaadda ka dib waxaa warbaahinta qaranka la hadlay Mikhail GOLOVANOV Safiirka ruushka u fadhiya Soomaaliya waxa uuna sheegay in aad uu ugu faraxsan yahay kulanka uu la qaatay Cabdi xaashi C/llaahi Guddoomiyha Golaha aqalka sare BFS waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in Dowladda Soomaaliya ay ku marti qaadeen Shirka Ruushka iyo Afrika.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON