Thursday, May 2, 2024

Sacuudiga oo shaki weyn geliyey Xajkii Sanadkan & Farriin loo diray dadkii qorsheystay…

Dowladda Sacuudiga ayaa shaki weyn geliyey xajkii sanadkan loo tegi lahaa dalkaasi, waxaana farriin loo diray dadkii doonayey inay sanadkaan xajka tagaan.

Wasiirka Xajka ee Boqortooyada Sacuudiga Mohamed Salah ayaa dalalka caalamka ugu baaqay inay xaaladda ka war sugaan oo aysan bilaabin isu diyaarinta xajka sanadkan, ayna ku dhaqaaqin wax howl ah oo ku saabsan xajka inta ay meel uga dhaeyso xaaladda Cudurka Coronavirus ee dunida ku faafay.

Dadka doonayey inay sanadkan xajka tagaan ayaa lagula taliyey inaysan wax tallaabo ah qaadin oo xaaladda la socdaan iyadoo dunida ay dagaal kula jirto cudurka Coronavirus, iyadoo dowladaha dunida oo dhan uu Sacuudiga ka dalbaday inay ka war sugaan xaaladda, waxaana laga cabsi qabaa inuu xajkii sanadkan baaqdo sida cumrada oo kale.

Ad
وزير الحج السعودي: أعدنا المبالغ لمن حصلوا على تأشيرات العمرة ولم يعتمروا
Wasiirka Xajka Sacuudiga Mohamed Salah Bintin

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay dib u celisay lacagtii laga qaaday dadkii cumreysan lahaa sanadkan, wuxuuna intaas ku daray inay gacanta ku hayaan 1200 qof oo cumro u jooga Sacuudiga oo awoodi waayey inay dalalkooda dib ugu laabtaan cudurka Coronavirus awgiis.

Magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Medina ayaa hadda u jira bandow buuxa, iyadoo aanay cidna geli karin, kana bixi karin; waxaana la joojiyey salaadii jamaacadda ee labada masjid lagu dukan jiray 18-kii Maarso 2020.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON