Tuesday, April 30, 2024

Ruushka oo weerar ku qaaday Warshadda Niyukliyeerka ugu weyn Yurub iyo Qeylo-dhaan ka dhalatay

Qeylo dhaan ayaa ka dhalatay weerar ciidamad Ruushka ku qaadeen iyo dab qabsaday Warshada tamarta Nukliyeerka ee ugu weyn Yurub ee Zaporizhzhia, dalka Ukriane.

Warshada Niyulkiyeerka ayaa qeyb hore ka gubatay subaxnimadii saaka, waxaana markii dambe lagu guuleystay in la damiyo Dabka qabsaday, iyadoo lagu eedeeyay hub ay Ruushku ku rideen Warshada inuu dhaliyey Dabka, sida uu sheegay duqa magaalada Enerhodor.

Warshaddan oo sameysa 25% awoodda korontada Ukraine ayaa ku taal daanta webiga Dnieper oo 700 oo kiilomitir koofur-bari kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

Ad

Dabku ayaa ka kacay meel ka baxsan xayndaabka dhismaha Warshada, Xaaladda Amniga Warshada ayaa hadda sugan, mana jirana wax shucaac ah oo kasoo baxay, sida uu uu maamulaha warshadan.

Madaxda dunida ayaa qeylo dhaan kasoo saaray Warshadan iyo waxyeelo soo gaartay, taasoo keeni karta in Yurub oo dhan u gaaro Shucaaca Niyukliyeerka. Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in halis ka timaada warshada ay tahay dhammaanshaha Yurub.

Ciidamada Ruushka ayaa doonaya inay qabsadaan goobaha Niyukliyeerka dalka Ukraine oo dagaal ay ku qaadeen, waxaana weerarro culus ay ka socdaan magaalooyinka dalka Ukraine oo duqeyn iyo ciidamo toos ah ay ka dagaalamayaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON