Tuesday, February 18, 2025

Siciid Deni oo Dib u magacaabay Maxamud Diyaano iyo Hay’adii PSF oo magaca laga bedelay (Akhriso)

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa ku qasbanaaday inuu xilkiisii ku celiyo dibna u magacaabo Agaasimihii Hay’adda PSF Maxamuud C /llaahi Diyaano, kadib markii xil ka qaadistiisa ay dhalisay dagaal ka dhacay magaalada Boosaaso.

Waanwaan iyo wadahadallo adag oo Boosaaso ku dhex maray Siciid Deni iyo Isimada Gobolka Bari ayaa Deni ku ogolaaday heshiiska odayaasha oo ahaa inuu xilkiisa sii hayo Maxamuud Diyaano, laakiin waxaa magaca laga bedelay Hay’adda PSF oo hadda laga dhigay PSCF (Puntland Security Commando Forces)

Hoos ka akhriso wareegtada Madaxweynaha Puntland

Ad

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni.

Kadib markii uu qiimeeyey xaaladda amni iyo dhaqan dhaqaale ee Magaalada Boosaaso.

Kadib markii uu la tashaday Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland.Kadib markii uu la tashiyo la sameeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Isimada, Madaxweynayaashii hore, Waxgaradka iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland.

- Advertisement -

Kadib markii uu tixgaliyey dadaaladdii kala duwanaa ee muddada ka socday Magaalada Boosaaso ee ku wajahnaa xal u helista shaqaaqadii ka dhacday Magaalada.Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 009 , 04 March 2022, wuxuuna xeeriyay:-

1. Waxaa S/Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces).

2. Waxaa S/Guuto Maxamuud Cismaan Cabdullaahi loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka Kommandooska Amniga Puntland (Puntland Security Commando Forces). Si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda Dalka u dagsan, dib ayaa laga soo saarayaa xeer nidaamiye qeexiya kala xadeynta waajibaadka guud ahaan ciidamada kala duwan ee Puntland.

*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON