Madaxweynaha dalka Uganda ayaa hoggaaminaya doorashada dalkaasi, kadib markii uu si weyn ugu horeeyo codadka la tiriyey ilaa iminka.
76 Sano jirka talada dalka Uganda hayey tan iyo sanadkii 1986 Yoweri Kaguta Musaveni wuxuu in ka badan 5.3 Milyan (59%) oo cod markii la tiriyey 86% codadkii la tiriyey, waxaana kaalinta labaad ku jira fannaanka la tartamaya Bobi Wine oo hela 3.1 Milyan oo cod (35%); waxaana Ła filayaa in maanta gelinka danbe lagu dhawaaqo natiijada doorashada Uganda.
Ciidamo badan ayaa la dhigay magaalooyinka, siiba caasimada Kampala, waxaana weli hawada ka maqan adeegga Internet-ka oo la xiray markii ay doorashada dhaceysay.
Yoweri Musaveni ayaa lagu wadaa inuu markii shanaad ku guuleysto xilka madaxweynaha dalka Uganda, taasoo ka dhigan inuu dalkaasi sii xukumi doono 5 sano oo hor leh, isagoo Uganda ka talinayey muddo 35 sano ah.
Musaveni ayaa talada dalka Uganda Qabsaday sanadkii 1986, kadib markii uu dagaal jabhadeed ku jiray muddo 5 sano ah, wuxuuna 10 sano kadib xukunkiisa bilaabay doorasho uu mid kasta ku guuleystay, dibna xukunka halkiisa ka misstap.

