Tuesday, April 30, 2024

Midowga Musharixiinta oo dalbaday in kaalinta Dowlad Goboleedyada ee Doorashada Golaha Shacabka lagu..

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa kadib shir muddo saddex maalmood ah uga socday Golaha Midowga Musharixiinta ayaa laga soo Saaray War-murtiyeed ku saabsan xaalada Doorashada oo ay walaac uga muujiyeeny sidii ay ku dhacday Doorashada Aqalka Sare.

Musharixiinta waxay dalbadeen in habraaca doorashooyinka Aqalka Hoose ay noqdaan kuwo daahfuran oo wadar ogol ah, sidoo kale shirka Golaha wadatashiga qaran la ballaariyo, iyaga oo soo jeediyay Afar qodob, kuwaas oo kala ah:

1- In 135-kii oday dhaqameed ee loo aqoonsanaa hoggaanka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ay saldhig u noqdaan soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaanada aqalka hoose.

Ad

2- In doorashada ay ka dhacdo goob amnigeeda sugan yahay booliska federaalka, dawlad-goboleedka iyo AMISOM ka wada qaybqaataan.

3- In kaalinta dawlad-goboleedka ay ku ekaato fududaynta iyo habsami- u-qabashada doorashooyinka.

4- In bulshada rayidka ah, ururrada caalamiga iyo xubnaha beesha caalamka ay goobjoog ama korjoog ka ahaadaan habsami u socodka doorashooyinka.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Midowga Musharixiinta ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble in uu ballaariyo kulanka ay ku ballansan yihiin madaxda madasha watashiga qaran si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda si nabad ah, dalkana u horseedda xasilooni siyaasadeed.

No photo description available.
May be an image of text
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON