Thursday, May 2, 2024

Meyd lagu qariyey Goob Ganacsi degmada Xamarweyne oo cabsi ku abuuray dadka Muqdisho

Meyd laga helay goob ganacsi oo ku taalla degmada Xamarweyne ayaa xaalad cabsi ah ku abuuray dadka xaafadaha degamadaasi iyo magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa waxaa soo if bixiyey kadib markii shaqaale dhisme oo goobta loo geeyay inay dayactir ku sameeyaan ay la kulmeen meyd muddo bilo ah halkaasi la geliyay oo ku jiray makiinad cajiinka shiida qeyb ka mida.

Meydkan ayaa loogu yeeray ciidamada Booliska, wuxuuna u muuqday qof dhintay karfantiisuna aanay dhammaan ee lagu qariyey halkaasi inkastoo uu muddo ku dhow bil halkaas lagu aasay, waxaana arrintaasi la wareegay ciidamada dembi baarista.

Ad

Goobta ganacsi ee arrintan ka dhacday ayaa  ku dhow Suuqa Kawaanka Malaayga degmada Xamarweyne, magaalada Muqdisho. Waxaa arrintan cabsi ka muujiyey dadka Xamarweyne, iyadoo ay tahay kiiskii ugu horeeyay ee noocan ah oo lagu arko magaalada.

Xoghayaha Guud ee Degmada Xamarweyne Maxamed Qeys ayaa heegay in saddex qof ay loo soo qabtay Kiiskan, iyadoo su’aalo la weydiinayo, ayna socoto baaritaanka laamaha amniga ku hayaan kiiskan yaabka leh.

Dadka loo hayo kiiskan ayaa isugu jira qof guriga laga kireystay, labo ka shaqeyneysay Makiinada, waxaana la sugayaa waxa kasoo bixi doona baaritaanka kiiskan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON