Wednesday, May 1, 2024

Maxay ka wadahadleen Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya iyo Musharax Prof. Jawaari..?

Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa kulan la yeeshay guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Federaalka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

War kasoo baxay xafiiska UNSOM ayaa lagu yiri: “Iyadoo qeyb ka ah kulamo uu la qaadanayey hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya, ayuu Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan waxa uu ku faraxsanyahay in maanta uu la kulmay Maxamed Cismaan Jawaari oo ay ka wada hadleen xaaladda siyaasadda Soomaaliya”.

Arrimaha ay si gaara uga wadahadleen ayaa ahaa sidii loo xaqiijin lahaa doorashada Golaha Shacabka oo lagu kalsoonaan karo, si dowladda soo socota ay diiradda u saarto Dastuurka iyo dowlad-dhiska.

Ad

Prof. Jawaari oo musharax xildhibaan Golaha Shacabka u ahaa kursigii uu hore ugu fadhiyey ayaa waxaa ka hor istaagay madaxweynaha K/Galbeed, iyadoo weli aan xal loo helin arrintaasi.

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale maanta kulan wax ku ool ah la yeeshay musharax madaxweyne Fowsiya Yuusuf Aadam oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin doorashada golaha shacabka iyo baahida loo qabo in haweenku ay qeyb ka noqdaan hoggaanka siyaasadda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON