Wednesday, February 12, 2025

Dowladda Turkiga oo Ciidamo kumanaan ah u diraysa dalka Qatar iyo Sababta oo la shaaciyey

Dowladda Turkiga ayaa kumanaan askari iyo khabiiro dhinaca amniga ah u direysa dalka Qatgar xilliga dalkaasi yar ka dhacayo Koobka Adduunka ee Kubadda Cagta November iyo Disembar 2022.

Turkiga ayaa ku dhawaaqay inuu 3,250 askari u diri doono dalka Qatar, si ay uga qeyb galaan Koobka Adduunka ee bilaabanaya bisha November ee sanadkan, waxaana sidasi shaaciyey wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu, oo intaa ku daray in Ankara ay sidoo kale tababartay ciidamo ammaanka Qatar ka socda ka hor tartanka World Cup 2022.

Ciidamada Turkigu u diray dalka Qatar waxay kala yihiin 3,000 oo askari oo ka tirsan booliska rabshadaha ka hortaga, 100 ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Turkiga, 50 Eey oo Bambooyinka baara iyo hawl-wadeenadooda, 50 khabiir oo Bambooyinka ku takhasusay iyo shaqaale kale.

Ad

“3,250 ka mid ah shaqaalaheena ayaa si ku meel gaar ah uga shaqeyn doona Qatar bilaha November iyo December ( 45 maalmood ah) si ay uga qeyb galaan koobka aduunka,” ayuu yiri WasiirSoylu.

Waxaa la filaya inay dalka Qatar tagaan xilliga ciyaaraha adduunka in badan hal milyan oo taageerayaal ah oo adduunka oo dhan laga filayo inay ka soo qaybgalaan.

Soylu ayaa intaa ku daray in Turkigu uu sidoo kale tababaray 677 ka mid ah ciidamada ammaanka Qatar oo xirfadlayaal ah, isaga oo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin.

- Advertisement -

Turkiga iyo Qatar ayaa sii xoojiyay xiriirkooda sanadihii ugu dambeeyay, iyadoo Ankara ay ciidamo ku taagereay dalka yar ee Qatar khilaafkii dhex maray dalalka kale ee Khaliijka.

Turkigu wuxuu tababartay ciidamada ammaanka ee Qatar, wuxuuna dalkaasi ku leeyahay saldhig ay joogaan ciidamo milateri oo ka badan 5000 askari.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON