Sunday, May 5, 2024

Maxaa ka jira inuu Abiy Ahmed ka laabanayo Heshiiskii uu la galay Muuse Biixi ee Marinka Badda..?

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa la sheegay inuu ka fekerayo sidii uu noqon lahaa heshiiskii is-afgaradka ee uu la galay maamulka Somaliland ee ku saabsanaa inuu marin Dhul, Bad iyo Saldhig ka helo Somaliland.

Heshiiskan oo ay si weyn uga hor timid dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka heshay beesha caalamka, waxayna Itoobiya wajahday cadaadis caalami ah, waxaana soo baxay warar sheegaya in Itoobiya dib uga laabaneyso heshiiska.

Warkan waxaa faafisay Shabakadda Bloomberg, iyadoo soo xiganeysa saraakiil iyo xogo diblomaasi, waxaana muddooyinkii danbe socday waanwaan ay wadeen dalal ay Kenya ka mid tahay oo ku saabsan si xal loogu helo xaaladda ka dhalatay heshiiska Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Ad

Xogta la helay ayaa lagu sheegay in wadahadallo magaalada Nairobi dhowaan ku dhex maray Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo Nadaxweynaha Kenya William Ruto, laga soo xigtay Abiy Axmed inuu doonayo in uu “ka laabto” qodobbada ugu badan ee heshiiska.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa la sheegay inuu doonayo inuu wadahadal toos ah la yeesho madaxweynaha Soomaaliya, balse dowladda Federaalka ay diiday inay wadahadal la yeelato Itoobiya iyadoo aan ka noqon heshiiskii Somaliland ee xadgudubka ku ahaa Qaranimada Soomaaliya.

Dhinaca kale Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa laga soo xigtay inay raali ka yihiin ka laabashada Aqoonsiga Somaliland, balse ay doonayaan dhaqangelinta inta kale ee heshiiska, taasoo dowladda Soomaaliya aanay aqbali karin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON