Sunday, February 16, 2025

NISA oo Garoonka Muqdisho ka qabatay Mas’uul ay ku eedeeysay inuu ka tirsanaa AlShabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ee NISA ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay Guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenlay Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo ay ku eedeysay inuu tirsanaa kooxda Alshabaab.

Qoraal ay soo saartay NISA ayay ku sheegtay inuu mas’uulkan hore uga mid ahaa Maamulka Gobolka Banaadir uu in muddo ah ku dhex dhuumanayay Hay’addaha Dowladda Soomaaliya, isagoo sanadihii 2015 ilaa 2019 soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Wadajir.

Sidoo kale sanadihii 2019 ilaa 2020 waxaa uu Guddoomiye ka noqday degmada Dharkeynley, balse Hay’adda NISA waxay ku eedeysay inuu Alshabaab kala shaqeeyay fududaynta falal amni darro oo ay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ad

“Xogta Hay’adda NISA ay heshay waxay caddayneysaa in Abuukar Axmed Caddow uu Khawaarijta ku biiray intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2014, waxa ay tababar Sirdoon ku siiyeen magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose isaga oo Khawaarijta ka caawin jiray gudbinta xogta Saraakiisha iyo Xafiisyada dowladda. NISA oo heshay xogta dhagar qabahan ayaa dabagal ku haysay mudddooyinkii u dambeeyay waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay in 04-tii March 2024, laga qabto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde isaga oo ka yimid dalka Kenya”. ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Ma jiro wax caddeyn ah oo ay soo bandhigtay Hay’adda NISA oo ku saabsan qaabka uu mas’uulkan hore ula shaqeyn jiray Alshabaab, iyadoo ay hore u dhaceen marar badan in dad Alshabaabnimo lagu eedeeyay lasii daayey Maxkamad la’aan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON