Tuesday, April 30, 2024

Mareykanka oo Saldhigyo cusub u dhisay Ciidamada Kumaandooska ee DANAB

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo milateri, kaasoo Mareykanku saldhigyo cusub oo qalabeysan u dishaya ciidamada DANAB ee xoogga dalka.

Munaasabad lagu saxiixayey heshiiska tayeynta Ciidamada Soomaaliyeed oo ay kala sixiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey.

Heshiiskan oo ah mid dowladda Soomaaliya looga taageerayo qorshaha dib u habaynta iyo tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayuu Mareykanku ku kordhinayaa tababarrada Ciidamada kumaandooska ee Danab, iyadoo sidoo kale xarummo tababar iyo Ciidan laga hirgelinayo Magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar iyo Dhuusamareeb.

Ad

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso tayeynta ciidanka sida-gaarka ah u tababaran ee Danab iyo guud ahaan Hay’adaha ammaanka Soomaaliya.

Heshiiska taageerada Milateri waxaa Soomaaliya u saxiixay, Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, halka uu Mareykanka u saxiixay Ku-xigeenka xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Amniga Marwo Bonnie Denise Jenkins.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON