Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeystay inuu tegayo magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya, isagoo goor dhowey u dhoofay magaalada Addis ababa.
Socdalakan ayaa imaanaya iyadoo uu aad u xun yahay Xiirirka Somaliya iyo Itoobiya, isla markaana Itoobiya ku xadgudubtay Qaranimada Dhuleed ee Somaliya, kadib heshiiskii ay la gashay Somaliland.
Xasan Sheekh Maxamuud Sheekh oo ka hadlayay magaalada Kismaayo ayaa difaacay inuu Addis ababa u tegayo ka qeybgalka shir Madaxeedka Midowga Afrika iyo shirar badan oo ay halkaasi ku yeelan doonaan madaxda IGAD, EAC iyo is-aragyo kale.
Tallaabada uu Addis ababa ku tegayo Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa cambaareeyay xildhibaanno iyo Siyaasiyiin badan, iyadoo ay difaaceen xubno ka mida Golaha Wasiirada iyo taageerayaasha Madaxweynaha.
Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa si weyn u dhaliilay safarka Madaxweynaha ee dalka Itoobiya, isagoo sheegay inay ahayd in madaxda dawladda aysan Addis Ababa tegin, inta xal laga gaarayo xadgudubka Itoobiya.
“Madaxweynihii ayaa u socda, isagoo ku doodday in shirar muhiim ah oo ay madax badan isku imaanayso ka dhacayo. Waa sax, laakiin sow wasiirka arrimaha dibadda ama Raysal wasaare ku xigeenka kuma filna in ay dooddeena jeediyaan. Waxaa xilliyadan oo kale laga dhowrsadaa in dawladdii dalkaada ku xadgudubtay ay markale fal bahdilid ah kugula kacdo, Abiy Axmadna waa nin ay ka suurowdo”. ayuu ku dooday Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur.
Dhinaca kale Xildhibaan C/llaahi Aadan Kulane Jiis ayaa weerar ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo qoraal uu soo saaray ku sheegay in safarka Xasan Sheekh ku tegay Addis ababa uu soo xoojinayo shakigii laga qabay inuu raali ka ahaa heshiiska isafgaradka ee Somaliland iyo Itoobiya.
Kulane Jiise ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku tuhmay inuu isagu doonayay heshiiska inuu saxiixo, kana carooday markii ay Itoobiga is-afgarad la gaartay Muuse Biixi, Itoobiyana uu sidaas uun ula dagaalsan yahay.