Wednesday, May 1, 2024

Magaca Ninkii ka danbeeyay Afduubka Kalkaalisadaa Jarmalka ee ICRC oo la shaaciyey & Ilaalo badan oo la xiray

Dawladda Soomaaliya ayaa shaacisay magaca shakhsiga ka dambeeya afduubka gabar kalkaaliso caafimaad ah oo u dhalatay dalka Jarmalka, una shaqaysa hay’adda Laanqayrta cas ee caalamiga ICRC, taasoo xalay lagu afduubay xalay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda amniga, C/casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa magac dhebey ilaalada xarunta ICRC oo uu sheegay in uu hogaaminayey nin uu magaciisa ku sheegay Maxamuud Maxamed Calas oo uu sheegay inuu ka mid yahay ilaalada xarunta.

C/casiis xildhibaan ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan iyo dadaal ay doonayaan in ay ku soo furtaan gabadhaas la afduubtay Wuxuu intaa ku daray in ciidanka amaanka ay xabsiga u dhaadhiciyeen ilaaladii xarunta ku sugnayd wakhtigii uu dhacay afduubka.

Ad

Ilaa hadda lama oga meel lala aaday iyo xaaladda ay ku sugan tahay gabadhaas la afduubtay. Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka ayaa isna sheegay in dawladdiisu ay ka war hayso afduubka gabadhaas kaalkaalisada ah.

Lanqayrta cas ee caalamiga ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay ka walaacsan tahay bedqabka gabadhaas, waxayna intaa ku dareen in ay xiriir kala leeyihiin maamullada qaarkood sidii loo sii deyn lahaa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON