Sunday, May 5, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Siyaasi caan ah u magacaabay La-taliyihiisa cusub ee arrimaha..

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saray wareegto uu ku magacaabayo la-taliye cusub oo u qaabilsan Dimoqraadiyada iyo Dowla wanaagga.

Wareegtada ayaa Proff. Cabdirisaaq Cismaan Xasan “Juurile” loogu magcaabay inuu noqdo La-taliye Sare ee dhanka dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga oo ah xil cusub oo aan hore u jirin.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Prof. Jurrile uu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka dowladnimada Soomaaliyeed, duruufaha ku xeeran dalkeenna iyo qorsheyaasha dib u dhiska qaranka.

Ad

Lataliye Cabdirisaaq Cismaan “Juurile” ayaa horey u soo qabtay xilal Wasiirnimo oo heer Federaal ah, waxa uuna ka soo mid noqday labada Aqal ee Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena waxa uu ka soo shaqeeyey arrimaha horumarinta dowladdnimada iyo bulshada.

Prof. Jurille ayaa madaxweynaha Puntland ka reebay inuu ka mid noqdo Baarlamaanka Federaalka, isagoo hore uga mid ahaa Aqalka Sare.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON