Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa mar kale saaka Dil toogasho ah ku fulisay laba ka mida ururka Daacish ee Soomaaliya oo hore xukun Dil ah loogu xukumay.
Dil-sugayaasha la toogtay ayaa kala ahaa: Aadan Maxamed Cali Maxamuud iyo Maxamed Cali Maxamed Faarax oo lagu helay inay ka tirsanaayeen Daacish, isla markaana ay dilal ka geysteen Magaalooyinka Muqdisho & Boosaaso.
Dilka Toogashada ee saaka ka dhacay xarunta Dugsiga Sare ee Booliska ayaa qeyb ka ah fulinta xukunnada Toogashada ah ee horey loo riday oo dowladii Maxamed Farmaajo aysan fulin, iyadoo xilligan si xowli ah ku socota.
Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Aadan Maxamed Cali Maxamuud 1-dii August 2019-kii, iyadoo lagu helay inuu 24-kii August 2018 ay Aadan & labo ruux oo kale ay Magaalada Boosaaso ku dileen Labo xiddigle Axmed Hurfe Jaamac oo ahaa taliyihii Gaadiidka Madaxtooyada DG Puntland, halka 25kii October 2018 isla Boosaaso ku dileen Cabdiraxmaan Aadan Cali oo ahaa Ganacsade & dilal kale oo ka dhacay Muqdisho sida uu sheegay Guddoomiye Shuute.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saxiixday Toogashada xubnahan dil-sugayaasha ahaa, waxayna Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida dhowaan fulisay toogashada 5 ruux.
