Tuesday, April 30, 2024

Madaxweyne Farmaajo oo Taliye cusub u magacaabay Ciidamada Madaxtooyada Soomaaliya

Wararka laga helayo madaxtooyada ayaa sheegaya in taliye cusub loo magacaabay ciidamada ilaalada madaxtooyada ee Villa Somalia.

Tallaabadan oo in muddo ah la sugayay ayaa waxaa xilkii laga qaaday taliyihii cidamada madaxtooyada Ibraahim Sheekh Muxyaddiin iyadoo loo magacaabay taliye cusub oo madaxweyne Farmaajo ku aaminay ammaanka Villa Somalia.

Taliyaha cusub ee ciidamada Madaxtooyada ayuu madaxweyne Farmaajo u magacaabay Col. Axmed Maxamed Af-caddey oo mar soo noqday Taliyihii Madaxtooyada xilligii dowaldii madaxweynihii hore ee Madaxweyne  Shariif Sheekh Axmed.

Ad

Taliyihii hore ee xilka banneeyay Ibraahim Sheekh Muxiyadiin ayaa hore u ahaa sarkaal ciidan oo aanu ku shaqeyn xilliyadii danbe, laakiin xilkan loo magacaabay xilligii madaxweyne Xasan Sheekh.

Isbedelka lagu sameeyay Madaxtooyada ayaa saameyn ku yeeshay dhammaan dhinacyada kala duwan ciidamada iyo shaqaalaha rayidka, waxayna tani ahay arrin soo taxan oo madaxweyne kasta ku dhaqamayay xilliyadii dambe.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON