Xaalad adag ayaa soo wajahday Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre kadib markii caawa Guddoomiyaha Baarlamaanka soo saaray talo soo jeedin ah oo looga codsaday inuu dib u eegis ku sameeyo Golaha uu magacaabay ee Wasiirada.
Kulan degdeg ah oo albaabada u xiran yahay ayaa dhex maray Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo Ra’iisal wasaare Kheyre, iyadoo xaaladan cusub looga hadlay, waxaana la sheegay inaan wax natiijo ah kasoo bixin oo lagu kala tegay.
Guddoomiyaha Baaralmaanka ayaa qaatay talo soojeedin ka timid Xildhibaanno gaaraya 105 oo sheegay in lagu xadgudbay awood qeybsiga beelaha ee soo taxnaa muddo dheer, taasoo ay sheegeen in ra’iisal wasaaraha looga baahan yahay dib ugu noqosho golihiisa wasiirada.
Ma cadda qaabka awood qeybsiga beelaha loogu xadgudbay iyo beelaha lagu xadgudbay ee awoodii laga qaatay, laakiin waxaa qoraalka ka muuqda in dib u eegis lagu doonayo kala bedel shaqsiyaad ay arrintu ku saabsan tahay.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa heysta muddo 6 maamood gudahood ah inuu isbedel ku sameeyo Golihiisa wasiirada ama ku adkeysto go’aankiisii hore, waxaana muuqata in Guddoonka Baaralmaanka oo hore uga careysaa xubno ayu wateen oo aan lagu darin golaha wasiirada ay abuureen xaalad siyaasadeed kacsan.
Goobjooge.com