Thursday, May 2, 2024

Laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Kheyre oo midkood loo heysto 4.5, midna lagu heysto [Akhriso]

Laba wasiir oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa wajahaya eedo iska horjeeda oo mid waliba loo heysto kiis ka horjeeda midka kale.

Wasiirka Arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa looga yeeray Baarlamaanka, iyadoo xildhibaano ka keenay mooshin u yeeris ah ay ku heystaan in shaqaalaha wasaaradda aan loo raacin qaabka 4.5, lana jebiyay sharciga wasaaradda.

Ad

Mooshinka Wasiirka arrimaha dibadda isagoo taagan ayaa waxaa soo baxay war ku saabsan dhismaha Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo ay gacanta ku heyso Wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Insaanka Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf. [Akhriso Warkan]

Wasaaradda oo shaacisay xilalka ka bannaan guddigan ayaa foomamka codsiga shaqada ku dartay qofka dalbanaya Beesha uu kasoo jeedo iyo jufo hoosaadkiisa, taasoo dhalisay dood balaaran iyo eedeyn baraha bulshada loogu jeediyay xukuumada, wasaaradda iyo wasiir Deeqa Xaaji Yuusuf. [AKHRI WARKAN]

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhisan heshiis aan qorneyn oo ah 4.5 oo dad badan ka digeen, waxaana miisaankaas beeleed lagu dhisaa xukuumadda, guddiyada iyo shaqaalaha dowladda.

- Advertisement -

Sharciga 4.5 ee aan qorneyn ayaa ka awood badan dastuurka qoran ee KMG ah oo dadka qaarkii qodobbo ka mida ay u adeegsadaan taageerida qaabka 4.5, marka uu ka hadlayo in beelaha ama maamuladda ay sinnaadaan xilalka dowladda.

GOOBJOOGE

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON