Thursday, May 2, 2024

La-taliyaha Madaxweynaha Salaad Cali Jeelle oo fowdo ka dhaliyay shirkii Beesha Mudulood

La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa fowdo ka sameeyay shirweynihii Beesha Mudullood, kadib markii isagoo aan cod lasiin uu si awood ah isugu dayey inuu Makarafoonka la wareego.

Salaad Cali Jeelle oo laba jeer isku dayey inuu ka hadlo goobta isagoo aan la siin, waxaana buuq iyo fowdo kadib arrinta faragelin ku sameeyay madaxweynihii hore ee Cali Mahdi Maxamed oo halkaasi ka sheegay in cid waliba oo beesha ku abtirsata aan loo diidi karin inay goobta ka hadasho, kana sheegto mowqifkeeda, haddii ay tahay muxaafid ama mucaarid.

Cali Mahdi ayaa makarafoonka siiyey Salaad Cali Jeelle oo isna shirka u sheegay in waxa uu ugu yeeray Wahaabiyo aysan uga adkaan karin Mowlaca Macalin Nuur, wuxuuna halkaasi ka caddeeyay inuu taageersan yahay in dalka ay ka dhacdo Doorasho qof iyo cod ah oo ahayd farriin uu u diray Madaxtooyada.

Ad

“Xasan Sheekh 6 bilood inuu ku darsaday maad moogtihiin, Shariif inuu 1 sano ku darsaday maad moogtihiin. Madaxweyne Farmaajo anigaa la taliye u ah. Lakin Qof iyo Cod doorasho ah ayaa dalka ka dhaceeyso.. Waxaa la isku diray madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaarihiisa. Waa ogtihiin dadka ka shaqeeyay. Nabad iyo Nolol ayaa dalkaan ka taliso, Iyagaana amarka doorashada iskaleh” ayaa ka mid ahaa hadalka Salaad Cali Jeelle.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON